1 min read

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad “Madaxweyne Xasan Sheekh dadaal badan ayuu wadaa, ee garab istaaga “

Madaxweynihii hore ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ku baaqay in la taageero ‘dadaallada dowladda iyo madaxweynaha’ waxaana uu Al-shabaab ku tilmaamay ‘mushkilad’ ku gudban dadka iyo dowladda, isaga oo ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay nimanka sheeganaya magaca Islaamka mushkiladda ay ku hayaan dowladda iyo dadka. Illaahey wuxuu yiri hal qof ninkii dila wuxuu la mid yahay inuu dilay ummadda adduunka joogta oo dhan, iyaguna intaas oo dad ah ayay laayeen. Islaam ma noqonayo qof muslimiinta leynaya” ayuu madaxweyne Cabdiqaasim ku yiri muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladdu.

“Waxaan leeyahay dagaalka joojiya oo la hadla madaxdiinna iyo dowladdiinna” ayuu raaciyay.

Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka ugu baaqay inay taageeraan dowladda iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Shacabiga Soomaaliyeed waxaan leeyahay dowladdiina is-garab taaga, madaxweynuhu dadaal badan ayuu wadaa, dowladduna waa dadaaleysa. ” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Cabdiqaasim oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhexeysay sannadihii 2000-2004 ayaa deggan magaalada Qaahira ee waddanka Masar.