1 min read

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

Shirka todobaadlaha ah ee ay qabato hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka ayaa maanta waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray u diyaar garowga xili roobaadka la filayo iyo sidii looga hortagi lahaa imaanshaha El-nino ee la filayo in uu saameyn ku yeesho gobolada dalka Soomaliaya inta lagu guda jiro xilli roobaadka.

Shirkan ayaa intii uu socday waxa uu Guddoomiyaha magacaabay guddi ka kooban 6 xubnood.

Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona ka hortagga, isku dubaridka, iyo ka jawaabista musiibada El-Nino ee soo socota ee la saadaaliyay inay dhici doonto bilaha Oktoobar iyo Noofambar ee sanadkan.

Shirkan oo socday muddo toddobaad ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiye ku xigeenka hay’adda , agaasime waaxeedyada, iyo la-taliyeyaal.