1 min read

Maxkamadda Ciidanka oo dil ku xukuntay xubin ka tirsanaa khawaarijta.

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle, Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa khawaarijta.

Xamsa ayaa horay u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellada hoose Xasan Cusmaan Cali, markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca gaadiidka lagu xiro ah.

Dhagar qabe Xamsa oo ah 23 jir kana soo jeeda Janaale ayaa horay ugu shaqaysan jiray Mooto Fekon intaysan tashkiilin khawaarijta, isagoo ku noolaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, maaddaama ay qaraabo ahaayeen.

28-kii Augosto ee sanadkan ayay soo gabagabowday dacwadda loo haystay Xamsa , waxanay maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida maanta ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Ex-taliyihii NISA ee deegaanka Buufoow Bacaad Xasan Cusmaan Cali.