2 mins read

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kal-fadhiga Saddexaad ee golaha shacabka.

Muqdisho :-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 23-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka Soomaaliya iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa waxaa ogolaaday 134-Xildhibaan, waxaa diiday,1 Mudane, waxaa ka aamustay 6-Xildhibaan.

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiiniinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyoow, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida hufan ee ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh Qaxootiga Soomaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo  soo jeediyay in la taageero Musharaxa Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Xil. Marwa Cabdibashiir Cali oo u tartameeysay xilka Madaxweynaha Inter-Parliamenty Union oo ay ku midoobeen Xildhibaannada Dowladaha Adduunka, waxaana Xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in laga jaro Xildhibaan kasta $200 Doolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal ka jeediyay xiritaanka Kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan xiritaanka Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka oo afartii bilood mar la fasaxo si Xildhibaannada ay ugu laabtaan deegaan doorashooyinkooda.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waxqadka Kalfadhiga Seddaxaad, waxaana ka mid ahaa ansixinta hindise sharciyeedyo kuwaas oo kala, Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka, iyo Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Golaha horyaala hindise sharciyeedyo tiro badan oo aan weli la ansixin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa gunaanadka khudbadiisa ku faafaahiyay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta Al Shabaab, kuwaas oo degaano iyo degmooyin ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda lagala wareegay, waxaana hada socdo degaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Khawaariijta, isagoo tilmaamay in isku soo noqoshada Kalfadhiga 4-aad uu noqdo mid laga Xorreeyay Khawaariijta Al-Shabaab, waxaana Xildhibaannadda ugu baaqay in Xildhibaannada ay soo xaadiraan kalfadhiga xiga si looga doodo Dastuurka KMG ee dalka.