1 min read

Alshabaab oo weear ku bilowday qaraxyo ka geysatay firiisin ciidamda Dowladu ku leeyihiin Dayniile.

Baabuur  ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa  lagu weeraray xero Ciidanka Boolis militaaro ay ku leeyihiin  degmada Dayniile.

Dad  Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay  inay arkeen baabuur  qaraxyo laga soo buuxiyay hal mar lagu dhuftay xerada ay ciidanka degnaayeen, waxaana qaraxa kaddib halkaasi ka bilaabatay rasaas ay ridayeen ciidanka ku sugan Xerada

Lama soo sheegin ilaa hadda khasaare  ka dhashay  qaraxa, waxaana goobta uu ka dhacay weerarka gaaray  Hay’adaha Amniga oo diiday in loo dhawaado .

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay guryo ka agdhow xerada la weeraray, waxaana  goobta uu weerarka ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan  ambalaasta.

Alshabaab oo  sheegatay Mas’uuliyaada Weerarkaas ayaa sheegatay in weerar ku bilowday Qaraxyo ay dagaalama yaashooda  ku qaadeen xarun ay degmada Deeyniile ku leeyihiin ciidanka Boolis militaaro .