1 min read

Horjooge ka tirsanaa khawaarijta oo isku dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay.

Horjooge Dhaayoow ayaa tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhaxe, wuxuuna ka tirsanaa Maxadka isqarxinta khawaarijta ee degmada Bu’aale.

Horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka khawaarijta ayaa muddooyinkan dambe isa soo dhiibaya markii ay u adkaysan waayeen howl gallada Ciidanka xoogga dalka.