1 min read

Duqeyn lagu dilay sarkaal sare oo al-shabaab ka tirsanaa.

Duqeyn xaga cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxibada caalamka, ayaa lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe, sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiir ku xiigeenka wasaaradda amniga Galmudug, Cali Baashi Cabdulaahi (Gacanbir).

Wararka ayaa intaa ku daraya, in weerarkaas sidookale ay ku dhinteen xubno ka tirsan al-shabaab oo aan tiradooda la xaqiijin, kuwaas oo saarnaa laba gaari oo Cabdi Bile ah, gawaaridaas oo la sheegay inay gubteen.

Weerarka xaga cirka ah ayaa ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel la helay. Sarkaalka ayaa la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aagaas ka waday abaabul ciidan.

Al-shabaab ayaa maanta qarxiyay ceelka ugu weyn ee ku yaala degmada Ceel-Garas iyo booyad biyo u siday dad shacab ah.