1 min read

Al-Shabaab oo qarxiyay ceelka ugu weyn degmada Ceel-Garas iyo booyad biyo siday.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Garas ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qarxiyeen ceelka ugu weyn ee ku yaala Ceel-Garas.

Wararka ayaa sheegaya, inay sidookale qarxiyeen booyad biyo u siday dad shacab ah. Qaar kamid ah mas;uuliyiinta Galmudug ayaa BBC-da u sheegay in al-shabaab ay miino ku xireen dhowr goobood oo ka tirsan degmadaas.

Maalin kahor ayay ahayd markii laba xildhibaan iyo askari ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay isla deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Khasaaraha weli lama xaqiijin, halkan kala soco wixii ka soo kordha qaraxaas.