1 min read

Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyed oo war kasoo saaray dilkii Dr. Zakariye Cabdi Jaamac.

Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah kasoo saaray dilkii Allaha u naxariistee magaalada Galkacyo loogu geystay Dr Zakariye Cabdi Jaamac.

Ururka ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo dilka dhakhtarka oo sida la sheegay loo dilay aano qabiil.

Qoraalka ururka kasoo baxay ayaa u qornaa sidatan, “Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda caafimaadka ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr Zakaria Abdi Jama oo lagu dilay magaladda Gaalkacyo. “

“Waxaan bulshada Somaaliyeed, Maamulka Puntland iyo Dowladda Somaliyeed ka codsaneynaa in gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay falkaan wuxushnimada ah la soo hor istaajiyo caddaaladda.”

Dableyda hubeysan ayaa Dr Zakariye ku dhex dilay isbitaalka gudihiisa xilli u uku guda jiray howlihiisa shaqo.