1 min read

Guddoomiyaha Aqalka sare oo bogaadiyay jabkii khawaarijta loogu geystay Aw-dheegle.

Muqdisho :- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa bogaadiyay saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo dhammaan askartii ka qeyb qaadatay jabkii xooggaanaa ee markii labaad maleeshiyada khawaarijta Al-Shabaab loogu geystay saldhigga ciidamada Degmada Aw-dheegle ee Gobolka shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha ayaa caafimaad iyo bogsasho u rajeeyay halyeeyada ciidanka xoogga ee naftooda u horaya difaaca Qaranka, wuxuuna ugu baaqay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka, kana qeyb qaato garab istaagga iyo dhiiri-gelinta howl-gallada dalkeenna looga xoreynayo argagixisada khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Khawaarijta Al Shabab ayaa khasaare ballaaran loogu geystey weerar gaadmo ah oo ay maanta ku soo qaadeen Degmada Aw-Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si feejignaan leh waajibaadkooda u gutay , iyagoo halkaasi ku laayey in ka badan 60 xubnoood oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay dalka ka ciribtirto Khawaarijta, waxayna mar kale cadowga xusuusineysaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel kasta iyo waqti kasta ugu baabac dhigaan cadowga oo is moodsiiyay inay u sahlan tahay inay ciidanka qaranka si gaadmo ah ugu waxyeeleeyaan Shabeellaha Hoose, maadaama dagaalka xooggiisa uu ka socdo Galmudug iyo HirShabeelle.