1 min read

Urur ammaanka daraasadeeya oo sheegay in Shabaab ay halis ku yihiin ammaanka dal deris la ah Somalia.

Al-Shabaab ayaa si sii kordhaysa hanjabaado ugu jeedinaya Itoobiya xilli ay sii kordhayaan dagaallada u dhaxeeya dagaalyahanadooda iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee shisheeye ee ku sugan Soomaaliya (sida uu qoray The Reporter).

Xilli lagu wado in ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay si buuxda uga baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadka 2024-ka, ayaa waxay u badan tahay in Shabaabku ay sii xoojin doonaan weerarrada ay hadda wadaan, si ay awood dheeraad ah ugu yeeshaan dhulka Somalia, sida uu hadda daabacay Machadka Jamestown oo daraasadeeya arrimaha ammaanka.

Tani waxay soo jiidi kartaa in dalka deriska ah ee Itoobiya uu dagaal daba dheeraada sanadaha soo socda kula galo — labada dhinac ee xuduudka ay la wadaagaan Soomaaliya, ayay daba dhigeen.

Aanada Al-Shabaab ee Itoobiya ayaa waxay salka ku haysaa qabsashadii iyo duullaankii Itoobiya ee 2006-2009 ee Soomaaliya, xilligaasoo la afgembiyay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee fadhigoodu ahaa Muqdisho (ICU), ayay warbixintu raacinaysaa.