1 min read

Erdoğan oo la kulmay Abdel Fattah el-Sisi iyo Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan fool-ka-fool ah la qaatay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah es-Sisi, kulankaas oo qeyb ka ahaa shir madaxeedka madaxda G20 ee ka dhacay dalka Hindiya.

Waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay yeeshaan labada hoggaamiye tan iyo markii ay is gacan qaadeen markii uu furmay koobka adduunka Qatar bishii November 2022.

Labada dal ayaa in muddo ah qaadayay tallaabooyin diblumaasiyadeed si ay caadi uga dhigaan xiriirkii xumaaday sanadkii 2013-kii.

Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday in intii uu socday kulanka looga hadlay xiriirka labada dal, kordhinta baaxadda ganacsiga, iskaashiga cusub ee dhanka tamarta, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka.

War saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Erdogan uu farta ku fiiqay waa cusub oo xiriir la leh magacaabista safiirada, isagoo muujiyay inuu aaminsan yahay in xiriirka labada dal uu gaari doono heerka ay mudan yihiin sida ugu dhaqsiyaha badan.

Erdogan ayaa sidoo kale magaalada New Delhi kula kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sisi ayaa u hambalyeeyay Erdogan kadib doorashadii May.

Ankara iyo Qaahira waxay kordhiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed ilaa heerka safaaradda inta lagu guda jiro hannaanka caadiga ah ee bilaabmay 2021.