1 min read

Mustaqbalka Odegaard, Sancho, Salah iyo ciyaartoy kale iyo heshiisyada laga yaabo in ay saxiixaan.

Borussia Dortmund ayaa bilawday qorsheheeda ku aadan inay la wareegto ciyaaryahanka Manchester United, Jadon Sancho, oo 23 jir ah, Janaayo sanadka soo socda, haddii ay kooxdiisa is fahmi waayaan.(the Sun ayaa sidaasi qortay).

Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay sii waddo wadahadalada ay kula jirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Norway Martin Odegaard, oo 24 jir ah, kaasoo ku saabsan qandaraas cusub. (Fabrizio Romano ayaa daabacay)

Real Madrid ayaa raadineysa 23 jirka khadka dhexe ee reer Argentina Julian Alvarez oo ka tirsan Manchester City. (Files via, goals)

Agaasimaha Pro League ee Saudi Arabia, Michael Emenalo, ayaa sheegay inaysan albaabada ka xiran doonin dadaalka ay ugu jiraan inay soo qaadaan weeraryahanka Masar ee ka ciyaara Liverpool, kaas oo ah Mohamed Salah, oo 31 jir ah. (Sky Sports ayaa qortay)

Manchester City ayaa la xiriirtay goolhayaha Sifani Alejandro Balde, kaasoo ka ciyaara Barcelona, waa 19 jir, wuxuu isku dayayaa inuu saxiixo qandaraas cusub oo dhacaya 2028. (Fabrizio Romano ayaa qoray).