1 min read

Al-Shabaab oo weerar ku billowday Qaraxyo ku qaaday degmada Awdheegle.

Awdheegle: Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay bar koontraool oo laga soo galo degmada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah.