1 min read

Xulka Kubadda Cagta Taliyaaniga oo mar kale niyad jab kala kulmay Xulka Woqooyiga Masadooniya.

Xulka Taliyaaniga ayaa niyad jab kale oo wayn kala kulmay Xulka Woqooyiga Masadooniya xili uu si xun ugu bilowday isreeb reebka Koobka Qaramada Qaaradda Yurub.

Weeraryahanka Xulka Taliyaaniga Ciro Immobile ayaa gool u dhaliyay Taliyaaniga daqiiqaddii 47-aad, balse waxa la barbarreeyay daqiiqaddii 81-aad ee dhammaadka ciyaarta.

Xulka Taliyaaniga ayaa leh 4 dhibic oo kaliya, waxa jiirooniga ay ku jiraan hoggaaminaya xulka Ingiriiska oo leh 13 dhibcood, Ukraine oo kaalinta labaad kaga jirtana waxay leedahay 7 dhibcood.

Xulka Masadooniya ayaa Xulka Kubadda Cagta Taliyaaniga ka reebay ciyaarrihii Koobka Aduunka ee lagu qabtay Qadar, kaddib markii kulan ka dhacay magaalada Balermo ee dalka Taliyaaniga looga badiyay 1-0.