1 min read

Ubaxa iyo Qabrigii Axmed Naji.!!!? WQ: Yahye Amir

Nin ingriisa ah ayaa tagay Dalka Shiinaha si uu u soo booqdo Qabriga Nin saaxiibkii ahaa oo Ingriis ahaa oo Dagaalkii Labaad ee Aduunka ay ka wada qeyb galeen.


Markii uu tagay Qubuuraha isaga oo Ubax gacanta ku sido si uu u dul saaro Qabriga Saaxiibkii ingriiska ahaa, ayuu halkaa ku arkay Nin Shiinees ah oo Saxan yar Bariis ku wado, si uu u dul dhigo Qabriga Saaxiibkii oo Shiinees ahaa.

Kii Ingriiska ayaa Shiineeskii ku yiri: Shiinow Dabaal ayaa tahay, Qabriga Saaxiibkii aad Dul dhigeeyso Saxanka Bariiska ah Goormuu soo baxaa oo uu Cunaa? . Ninkii Shiinaha ayaa ayaa yiri: waxa uu soo baxaa marka Saaxibkaa uu soo baxo ee uu carafsado Ubaxa aad Adigu Dul saartay.

Ar, Somaliyeey Dhaqamada kale ha noo suu Qishina ee Intaad Qabriga Axmed Naji Ubax Dul karuuri leheeydeen u duceeya, Cafiyaa, qabuuraha kale ee Muslimiinta ee Meesha ku yaal iyo Waalidiintiina Xasuusta oo u duceeya. Adinkuna is xasuusiya in aad Maalin Godkaa gali doontaan, Ubaxna uuna wax idiin tareeyn. Dhaqanka Gaaladu yuuna dheel dheel idinku galin.
Anaguba ( Qaran joogta) Hadda Taalooyinka Dalka ku yaal ayaan Ubax dhignaa, markaan Masjid Cusub fureeynana Maqas ayaan Miraaq ku gooynaa.Dhaqamadda si sibiq ah naloogu soo dusinaa aan iska fiirino… Waa iga talo

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar

Qore: Yahya Amir