1 min read

Wiil iyo Abtigii oo ka mid ahaa Al-Shabaab oo isku dilay qeybsashada Baad ay kasoo qaateen dad xoola dhaqato ah.

Galgaduud : Xubno ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo isku dilay deegaanka Hoodlay oo ka tirsan Degmada Ceeldheer, laba horjooge oo khawaarijta ugu magacownaa waxay ugu yeeraan Naaqib ayaa is dilay ka dib markii ay isku khilaafeen siday u qaybsanayaan Xoollo baad ah oo ay ka soo dhaceen Shacabka Danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Labadda horjooge ayaa kasoo jeeda bariga Gobolka Galgaduud Daahir Xasan Maxamed Yool iyo Ciise Cabdi Barre ayaa dhowaan Barraha Bulshada laga daawaday iyagoo qabanaya shir jaraa’id oo ay ugu hanjabayaan Shacabka Soomaaliyeed nasiib wanaag masiibadii ay Shacabka Soomaaliyeed la rabeen ayaa dhexdooda ka qaraxday waxaana 7-dii bishan la dilay Daahir Xasan Maxamed Yool, Sida uu mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo SONNA la hadlay u xaqiijiyey waxaana dilay Ciise Cabdi Barre oo abti loo ahaa, waxuuna  khilaafkoodu ka dhashay habka ay u qaybsanayaan Xoollaha ay ka soo dhaceen dadka Deegaanka.

Ciise waxa uu ahaa horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta,waxa uuna madax ka ahaa geegaanka Garable, halka Daahir Yool oo ah kan la dilay uu ahaa Ninka u qaabilsan ka soo aruurunta beeshiisa waxa ay khawaarijtu ugu yeerto Sakawaatka.

Horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay sii xoogeysteen howlgallada gaarka ah deegaannada ay ku sugan yihiin,islamarkaanna ifka looga qariyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhowr ah oo gudaha Khawaarijta saameyn ku lahaa ayaa waxaa sii xoogeystay cabsida iyo kala shakiga soo kala dhex galay horjoogayaasha dhexdooda, taas oo ka dhalatay howlgallada gaarka ah.