1 min read

Mareykanka oo war ka soo saaray dhul gariirka Morocco.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka wuxuuna sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu bixiyo gargaar kasta oo lagama maarmaan ah.

“Waxaan aad uga xumahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariirkii ka dhacay Morocco,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Dalka Shiinahana, Madaxweyne Xi Jinping waxa uu “farriin tacsi ah” u diray Morocco, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Shiinaha.