1 min read

RW Xamsa oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo tababbar uga socdo dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababbar uga soconayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqdaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.