1 min read

Somaliland oo sheegtay in hogaamiye Al-shabaab ah uu soo galay Laascanood.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegtay in xaalad walaac leh ay ka jirta magaalada Laascaanood.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in “Ku dhawaad ​​600 oo falaago ah oo uu hogaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangole) oo ah horjooge caan ka ah al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay gudaha u galay gobolka”.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedka Shangole uu yahay ah in maleeshiyaadka deegaanka loo tababaro soo saarista walxaha qarxa iyo in Al-Shabaab looga sameeyo saldhig ay ku yeeshaan buuraha Ceerigaabo, Sanaag.

Maamulka Laascanood oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in warkaas waxba kamajiraan u yahay.