1 min read

Putin iyo madax kale oo aan ka qayb gelin shirka G-20 ee Hindiya.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa ku soo dhaweynayay hoggaamiyeyaasha G-20 furitaanka shir-madaxeedka kooxda ee Delhi.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda labada dal ee ugu awoodda badan caalamka ee Ruushka iyo Shiinaha ayaan ka qaybgelin shirka, waxaana kooxdan si weyn ugu kala qaybsantay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Hindiya waxa ay aad u danaynaysay in ay diiradda saarto wada-hadallada arrimaha sida aan habboonayn u saameeya waddamada soo koraya.

Laakin Mr Modi ayaa la filayaa in uu sameeyo is afgarad ku filan oo lagu heshiiyo marka uu shirku dhamaado.

Bishii Maarso, maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo ay ku eedeysay inuu dambiyo dagaal ka geystay Ukraine. Markaa, Putin waxa uu doonayaa in uu iska ilaaliyo ceebta ka dhalan karta in la xiro haddii uu ka baxo Ruushka. Waxa uu ka baaqday shirkii Brics ee dhawaan ka dhacay Koonfur Afrika.