1 min read

Maraykanka oo cunaqabatayn saaray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada RSF-ta ee Suudaan.

Mareykanka ayaa bartilmaameed ka dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada militariga Suudaan iyagoo saaray cunaqabateyntii ugu sareysay tan iyo markii ay colaadda hadda ka bilaabatay Suudaan.

Washington ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Abdelrahim Dagalo, oo ah ku xigeenka hogaamiyaha ciidamada degdega ah ee RSF, sababo la xiriidha xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadannimada intii ay kooxdu la dagaalamaysay ciidamada Sudan.

Tallaabadan oo lagu dhawaaqay Arbacadii, ayaa jawaab muuqata u ah rabshadihii dhimashada badnaa ee dhawaan lagu arkay Galbeedka Darfur, kaasoo oo lagu edeeyay in RSF iyo kooxo xulufo yihiin ah ay dambeeyeen.