27 Jul, 2024
1 min read

Guddomiyaha golaha shacabka oo shir-guddoomiyey kulanka 31-aad ee guddiga joogtada ah.

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay Kulanka 31-aad, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka. Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, soo gudbinta warbixinta tababarada guddiyada iyo dhameystirka Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Soomaaliya. Sidoo kale Guddiga Joogtada waxa ay dood dheer iyo falanqeyn […]

1 min read

In ka badan 100 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibtay Dowladda FS.

MUQDISHO:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayay isi soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada. Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen […]

1 min read

Fannaankii Axmed Naaji oo maanta lagu aasayo dalka Ingiriiska.

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu wadaa in lagu aaso fannaankii caanka ahaa ee Axmed Naaji Sacad oo gelinkii dambe Isniintii la soo dhaafay geeriyooday. Salaadda Janaasada ayaa lagula tukan doonaa masaajidka Edmonton ee waqooyiga London, waxaana aaskiisu ka dhici doonaa khabuurah Folly Lane Muslim Cemetery. Axmed Naaji ayaa ka […]

1 min read

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada saraakiil sarsare oo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay dagaal xalay ka dhacay Ceel la helay.

War hadda ay baahisay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fulintiisa iska kaashadeen ciidamada dolwadda iyo kuwa deegaanka lagu dilay saddex sakaal oo sarsare kana tirsanaa Al-Shabaab. Weerarka ayaa ka dhacay galbeedka deegaanka Ceel-La Helay oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Howlgalka oo xalay dhacay ayaa magacyad saraakiisha Al-ShabAab ee lagu beegsaday […]

1 min read

Tagaeere Manchester United ah oo toorrey ku dilay nin taageero Arsenal.

Booliska dalka Uganda ayaa baadi goobaya nin taageero u ah kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo lagu eedeeyay inuu mindi ku dilay mid ka mid ah taageerayaasha Arsenal oo ku sugnaa gudaha magaalada Sheema. Falkaan ayaa dhacay daqiiqado kadib markii ay dhamaatay ciyaarta oo Axaddii ka dhacday goornka Emirates. Ciyaartaoo ka tirsaneed horyaalka Ingiriiska […]

1 min read

Askari Faransiis ah oo dilay askari katirsan ciidanka Chad.

Dibad-baxayaal careysan oo ku sugan dalka Chad ayaa isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga ciidamada Faransiiska, iyagoo ka cabanayay toogashada lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dalkaasi. Waxaa la sheegay in uu Talaadadii uu caafimaad u aaday saldhigga Faya-Largeau ee waqooyiga dalka. Ciidamada Faransiiska ayaa halkaasi la geeyay si ay qeyb uga noqdaan howlgallada […]

1 min read

Shirka golaha wasiiradda oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka.

Muqdisho :-Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga. Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay hogaannada Taliska ciidanka xoogga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al Shabaab. Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida […]