1 min read

Amarro is khilaafsan oo ka soo kala baxay xafiisaka madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

Warqad ka soo baxday madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqada looga joojiyay wasiirka arimaha gudaha Galmudug ka dib markii lagu edeeyay in uu xagal daaciyay dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Dhanka kale, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka madaxtooyada Galmudug ku leeyihiin Faceboo-ga,madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in arrintan ay ka soo horjeedo dastuurka Galmudug, sidoo kalena ay baal marsantahay awoodaha dastuurka Galmudug siinayo madaxweyne kuxigeenka,

“Mudane Axmed ayaa faraya laamaha amniga in wajibkooda ka gutaan cida kasto oo wax u dhimi karta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq” ayaa lagu yiri bayaanka.