1 min read

Askari Faransiis ah oo dilay askari katirsan ciidanka Chad.

Dibad-baxayaal careysan oo ku sugan dalka Chad ayaa isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga ciidamada Faransiiska, iyagoo ka cabanayay toogashada lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dalkaasi.

Waxaa la sheegay in uu Talaadadii uu caafimaad u aaday saldhigga Faya-Largeau ee waqooyiga dalka.

Ciidamada Faransiiska ayaa halkaasi la geeyay si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada gobolkaas ka jirta.

“Askari ka tirsan ciidamada Chad oo aan ku jirin xaalad caadi ah ayaa aaday saldhigga ciidamada Faransiiska si loo daaweeyo, wuxuu dhaawacay kalkaaliye ciidan oo Faransiis ah,” General Ali Maide Kebir, oo ah guddoomiyaha gobolka, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Kalkaaliyaha ayaa adeegsaday hubkiisa wuunaa dilay,” ayuu markale yiri .

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Faransiiska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kalkaaliayaha milatariga uu is difacayay.

“Ma garanayno sababaha loo weeraray. Kalkaaliyaha waxa soo gaaray dhaawacyo dhuunta, madaxa iyo qoorta laakiin xaaladdiisu way degantahay,” ayuu yiri.