1 min read

Fannaankii Axmed Naaji oo maanta lagu aasayo dalka Ingiriiska.

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu wadaa in lagu aaso fannaankii caanka ahaa ee Axmed Naaji Sacad oo gelinkii dambe Isniintii la soo dhaafay geeriyooday.

Salaadda Janaasada ayaa lagula tukan doonaa masaajidka Edmonton ee waqooyiga London, waxaana aaskiisu ka dhici doonaa khabuurah Folly Lane Muslim Cemetery.

Axmed Naaji ayaa ka mid ahaa Fannaaniintii qaranka ee hoballada Waabari.