1 min read

Ciyaaryahannada Afrikaanka ah ee u sharaxan abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Shan ciyaaryahan oo Afrikaan ah ayaa u tartamaya inay ku guuleystaan ​​abaalmarinta Ballon d’Or oo ka mid ah abaal-marinnada ugu caansan kubadda cagta.

Victor Osimhen oo u dhashay Nigeria, Mohamed Salah oo Masar u dhashay, Andre Onan oo Cameroon u dhashay iyo Yassine Bounou oo Marooko u dhashay ayaa kamid ah liiska ragga u sharraxan abaalmarinta Ballon d’Or ee 2023.

Abaalmarinta Ballon d’Or waa abaalmarin sanadle ah oo lagu xuso xidigaha ugu tayada wanaagsan kubbada cagta xilli ciyaareedka, 30ka October ayay xafladda ka dhici doonta Paris.