1 min read

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada saraakiil sarsare oo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay dagaal xalay ka dhacay Ceel la helay.

War hadda ay baahisay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fulintiisa iska kaashadeen ciidamada dolwadda iyo kuwa deegaanka lagu dilay saddex sakaal oo sarsare kana tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay galbeedka deegaanka Ceel-La Helay oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo xalay dhacay ayaa magacyad saraakiisha Al-ShabAab ee lagu beegsaday lagu sheegay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ka mid ahAA saraakiisha kooxda.