1 min read

Marwada madaxweynaha Maraykanka oo laga helay Covid-19.

Marwada koowaad ee Mareykanka Jill Biden ayaa laga helay Covid-19 isniintii waxayna la kulantay astaamo fudud, Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay.

Haweenaydan 72 jirka ah oo la tallaalay, waxay sii joogi doontaa guriga Rehoboth Beach, Delaware, halkaas oo iyada iyo Madaxweyne Joe Biden ay ku qaateen qayb ka mid ah dhamaadkii todobaadka.

Madaxweynaha oo marka xaaskiisa laga helay kadib laga baaray cudurka ayaa laga waayey.

Kadib wuxuu dib ugu noqday magaalada Washington habeenkii Isniinta.

Joe Biden, oo 80 jir ah, “ayaa mari doona baaritaanno joogta ah usbuucan waxaana lala socon doonaa caafimaadkiisa”, ayey tiri afhayeen u hadashay.