1 min read

RW Ku-Xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Cimilada Afrika oo ka dhacaya Kenya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda ayaa ka qeyb galay Shirka Cimilada Afrika oo ka dhacaya dalka Kenya.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala socota adduunka ayaa maalmaha uu socdo looga falanqeyn doonaa cimilada adduunka ee sii xumaanaysa iyo sidii xalal loogu heli karo caqabadaha iyo duruufaha ay sababtay isbedelka cimiladu.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda ayaa sheegay in khatarta labaad ee marka laga soo tago amniga iyo la dagaallanka argagaxisada ay tahay isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay dalkeenna iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Mudane Saalax ayaa maalmaha uu joogo dalkan Nairobi la kulmi doona masuuliyiin iyo madax badan oo kasoo qeyb galay shirkan.