1 min read

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo la kulmay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddiga gaarka ah arrimaha Xabsiga dhaxe ee Xamar waxay kulan kula yeesheen xaruunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto; Sulub Axmed firin, oo ay wehelinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidan Boliiska, kulan kaan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xil Gen; Bashiir America.

Kulanka waxa uu daba socday kulamo hore oo looga hadlayay arrimaha Xabsiyada dalka maadaama saldhigyada kamid yihiin meelaha ugu horreeyo soo qabashada eedaysanayaasha ay kasoo billaabato eedahooda.

inta uu kulanka socday waxa su’aalo lagu weydiiyay saraashiisha Ciidamada Boliiska Oo hoggaaminayay Taliye Booliska Gen Sulub, si gaar ah hoggaanka Baarista iyo Dembiyada CID ayaa warbixin lagaga dhagaystay, taas oo ku saabsan sida ay u maareeyaan eedeysanayaasha ay kiisaskooda gacanta ku hayaan.