1 min read

RW Ku xigeenka: Khawaarijta gabbalkoodii wuu dhacay, waana laga adkaan doonaa wakhti dhaw..”

Muqdisho ;-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta,ayaa  sheegay inay shacabku barbar taagan yihiin ciidankooda qalabka sida iyagoo ballan qaaday inay is abaabuli doonaan xoojinna doonaan wada-shaqaynta iyo garab istaagga Ciidanka.

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka oo shacabka kula hadlayay faraagaraha daljirka ayaa sheegay in Khawaariijta gabbalkoodii dhacay lagana adkaan doono wakhti aan fogayn, isagoo ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada halganka dalka looga xoreynayo cadawga ummadda Soomaaliyeed.