1 min read

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

Hafow Abdulkadir Ibraahim oo Magac afgarashada Khawariijta u taqaan yahay (Saabir ) kana tirsan Nabadiidka Al-Shabaa  ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.

Hafow ayaa Muddo 1-sano ah khawariijta u qaabilsanaa waxa aay u yeeraan Jabhada, Wuxuuna ka soo howlgaley Deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose iyo Bakool,waxa una  Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.

Ciidanka Qaranka oo kaashanay shacabka soomaaliyeed ayaa dagaal xooggan kula jira firxadka Maleeshiyada khawaarijta,iydoo ay maalin walba ciidanka xoogga dalka ay isa soo dhiibaan xubno badan oo katirsan argagixisada