1 min read

Arsenal oo Guul Ka Gaartay Man United Ciyaar ku soo dhamaatay 3 iyo 1.

Arsenal ayaa watqigii geerida ee waqtigii dheeriga ciyaarta waxay guul ka gaareen Man United oo ay sedex gool iyo hal ku garaaceen.

Sheekada qeybta hore : Arsenal iyo United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli Arteta ku wacnaayeen ku dhiirashada weeerarka.

Arsenal waxaa ay ka sheeganayeen qasaarinta fursado iyo dhameystir la`aan iydoo goolka looga horeeyay waxaana daqiiqadii 27-aad ka dhaliyay Rashford balse waa ay keeneen waxaana laad xooggan ku bar bareeyay United Odegaard daqiiqadii 28-aad

Arsenal waa ku fiicnaayeen cadaadiska kubadana waa ay gaarsiinayeen aagga goosha United balse dhameystirka ayaa ka maqnaa

United waxa ay ciyaarayeen kubad taxadar badan, dhanka weerarkana kuma fiicneen balse guud ahaan waxa ay aheyd ciyaar wax waliba laga filan karo qeybta labaad .

Qaybtii dambe labada koox kubad  furan ayay ciyaarayeen balse wax halis ah iskuma sameyn biloowgii .

Arsenal waa ay fir fircoonaayeen balse baasaska ayaa ka qaldamayay  xilli United u janjeereen dhanka daafaca, waxa ayna Arsenal ku doodeen rigoore balse VAR ayaa la aaday hawada ayaana lagu laalay

United waa ku adkeyd in kubadda horay u soo jiidaan iyaga ayaana u nuglaa in goolal lagu helo  waxa ayna Arsenal ka sheeganayeen nasiib xumo .

Dhamaadkii United waxa ay sameynayeen isku dayo balse ma aheyn kuwo wax ku ool ah xilli Arsenal mar waliba dhankooda laga filanayay goolka guusha

Si waliba, waqtigii dheeriga labada koox waa is weereeren ilaa Arsenal laba gool keeneen Rice iyo Jesus ayaa dhaliyay goolasha guusha