1 min read

Ma ku soo bilaaban doonaa Harry Maguire kulanka caawa Arsenal iyo Manchester United?

Waxa caawa kulan adag ku balansan labada kooxood ee Arsenal iyo Manchester United, waxana durba la is waydiinaya mar haddii uu kooxda Man United ka maqan yahay Rafael Varane oo dhaawac qaba, suurtagalnimada in daafaca dhexe ee kooxda lagu soo bilaabo Harry Maguire.

Victor Lindelof ayaa badalka ka soo kacay ciyaartii Nottingham Forest kaddib markii ciyaarta dhaawac ahaan looga saaray Rafael Varane, isaga ayaan markale lagu aamini karaa daafaca kooxda.

Inkastoo Maguire lagu soo daray liiska ciyaartoyda xulka Egland matalaysa. haddana kooxdiisa waxa uu ka ahaa kayd in muddo ahba, laakiin ku daristiisa xulka ayaa suurtagalin karta in ciyaarta weyn ee maanta lagu soo bilaabo.

Waa la arki doonaa haddii tababare Ten Hag uu caawa ku soo bilaabayo kooxda safka hore ciyaaryahan Harry Maguire.

Maguire ayaa lala xiriirinayay kooxda West Ham kahor inta suuqa ciyaartoyda aanu xirmin.