1 min read

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeer ku tagay Xafiisyada ku howlan dakhli uruurinta cashuuraha.

Muqdisho :-Si loo dar-dar galiyo sare u qaadidda dakhliga Dowladda, wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kormeer ku tagay xafiisyada ku howlan dakhli soo saarka iyo uruurinta cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Cashuuuraha Barriga Cabdulaahi Nuur Shirboow.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS  Biixi Imaan Cige ayaa ku dhiirigaliyay kooxda ku howlan arrimaha dakhliga iyo cashuuraha oo laf-dhabar u ah shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ku dadaaleysaa sare u qaadidda dakhliga, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka shuruudaha deyn-cafinta.