Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka.
Muqdisho :-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warabaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada Qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah kawaarijta.
Maxamed Mursal ayaa sheegay in la joogo dhammaadkii khawaarijta sida wadajir ahna lagu dhamaystiri karo,dhammaana shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aan loo kala harin dagaalka ka dhanka khawaarijta si dalka looga xoreeyo degaannada fara kutirska ah ay gacanta ku hayaan cadawga.
Guddoomiyihii hore dalka ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidanka Qaranka guulaha ay ka keeneyn howlgallada dalka looga xoreeynayo khawaarijta, madaxweynaha JFS ayuu guddoomiyahu ku ammaanay sid ay uga go’antahay ciribtirka khawaarijta guud ahaana dalka ,waxa una Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aan loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
Dhanka kale Maxamed Mursal waxa uu baaq u diray shacabka koonfur galbeed oo uu sheegay in ay u istagaan sidii ay isaga dul qaadi lahayeen cadawaga muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka ku nool degaanada koonfur galbeed.