1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariisin ka dhiganaya Maxaas si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warrarka inaga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta lagu wado in uu gaaro.

Shalay waxa tagay Maxaas xubno ay kamid ahaayeen Wasiirka Batrooka ee Dawladda Federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa BBC-da u sheegay in tan iyo shalayba ay socotay u diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha ee degmada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo uu kala socday hawgalka ciidanka ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee Galmudug.

Lama oga inta uu Madaxweynuhu sii joogi doono Maxaaas, waxana la filayaa in uu waxgaradka deegaanka kala hadlo sidii loo xoojin lahaa duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabbaab.