1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab aargoosi ahasn u dileen maxaabiis ay gacanta ku hayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal duqeyn xagga cirka ah oo shalay lagu qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Dumaaye ay ku xirnaayeen maxaabiis ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayay dhimashada maxaabiistaasi iyagoo waxa sababay dilkooda aysan caddeyn.

Duqeyntan oo ay gaysatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa shalay ka dhacday deegaanka dumaaye oo qiyaastii 49km u jira degmada Xarardheere.