2 mins read

Islamic Relief oo sheegtay in in ka badan 4.3 milyan oo qof ay ku barakacsan yihiin gudaha Soomaaliya.

Rubuc ka mid ah dadka ku nool Soomaaliya ayaa hadda ku barakacay abaaro iyo colaado, iyadoo dhibaatada barakaca ee dalka ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, sida ay sheegtay hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay UK.

Islamic Relief ayaa warbixinteedii ugu dambeysay, oo la sii daayay galabnimadii Arbacada ku sheegtay in in ka badan 4.3 milyan oo qof ay ku barakacsan yihiin gudaha Soomaaliya waana tiradii ugu badneyd ee abid laga diiwaan geliyo dalka, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​17 milyan oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya aysan ku dhiman dad iyo duunyo oo kaliya balse ay waxyeeleeyeen dalagyadii beeraha, taasoo keentay in qiimihii raashinka uu sare u kaco, dad badanna ay ku cayroobaan, warbixinta ayaa lagu yiri hadal uu jeediyay Farxaan C/risaaq Aadan oo ah madaxa hay’adda Islamic Relief ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo, kana mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha gargaarka.

“Waxaan xeryaha ku arkayaa dumar aad u badan oo xiran xijaab cad, taasoo ka dhigan in raggoodii ay u dhinteen dagaal ama gaajo,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxa uu intaasi ku daray in xaalada magaalada Baydhabo ay tahay mid aan la qiyaasi karin, islamarkaana maalin walba ay soo galaan dad badan.

“Waa wax laga xumaado in la arko dadka halkan ugusoo safraya iyagoo rajeynaya inay helaan gargaar, laakiin kuma filna, markaa waa inay sugaan toddobaadyo si ay cunto u helaan. Dadka ayaa wakhtigaas gaajo ku waayey dad ay jeclaayeen. Gargaar la’aan, dad badan oo kale ayaa gaajo u dhiman lahaa, laakiin hay’adaha bani’aadamnimada waxaa ku yar qarashaadka, mana caawin karno qof walba,” ayuu raaciyay.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in cimilada kuleylka ah ee El Nino uu saameyn ku yeelan karo 1.2 milyan oo qof.

FAO waxa ay carabka ku dhufatay “in hadda tallaabo laga qaado” si loo ilaaliyo hab-nololeedyada dalka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, iyadoo 8.25 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.