1 min read

Xafiiska xeer ilaalinta oo dacwado kusoo oogay mas’uuliyiin dhammaantood dalka ka maqan.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Waa koox cusub oo dhammaantood maqanayaal ah oo lagu soo oogay dacwad musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada dhowr ah qof oo saraakiil dowladeed ah, kuwaas oo ku eedeysan musuqmaasuq. Dhammaantoodna aysan dalka ku sugneyn.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa dhowaanahanba ku howlanaa soo gudbinaya mas’uuliyiin ku eedeysan musuq maasuq iyadoo qaarkood maxkamad lasoo taagay halka kuwo kalana ay yihiin dibad joog la doon doonayo.