1 min read

Ku dhowaad labaatan qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Ceel Af-weyn.

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya, in dad gaaraya sideed iyo toban qof ay ku dhinteen dagaal laba beelood ku dhex maray halkaas, halka sodon qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wefdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo tagay degmadaas, iyo waxgaradka deegaankaas iyo mas’uuliyiin kale, ayaa xabad joojin ugu baaqay labadaas beelood oo dagaalamayay todobadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dhanka kale waxaa halkaasi ka socda waan waan uu hockaday Guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Somaliland, Siciid Mire Faarax (Giirre), iyadoo ergada waan waanta wada ku  dhawaaqay  xabad-joojin.