1 min read

Cumar Cabdirashiid: Waa in aan dowladda ku taageerno ciribtirka Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Guddida Fulinta ee Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage (HIPS), waxaa agaasimaha cusub ee Heritage loo magacaabay Mursal Maxamuud Saney oo hore u ahaa agaasime ku xigeenka Machadka.

“Ka dib, qiimayn ballaadhan oo gudo iyo dibadba leh, waxa ay guddida fulintu si wada jir ah u go’aansadeen in ay mudane Mursal Saney u doortaan agaasimaha Machadka Heritage, oo noqonaya agaasimihii afraad tan markii la aasaasay Machadka bishii Diseember 2012.” ayaa lagu yiri bayaanka Heritage.

Mursal Saney ayaa bedelaya Dr. Afyare Cilmi oo iska casilay xilka agaasimaha Heritage bishii July kadib laba sano oo uu xilkaas hayay.

Heritage