1 min read

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan muhiim u ah horumarka Qaranka Soomaaliyeed waxa uu Magaalada Addis Ababa kula yeeshay dhiggiisa Amb. Agostino Palese oo ah safiirka Talyaaniga ee Ethiopia.

Danjire Warfaa ayaa dhiggiisa Talyaaniga la wadaagay horumarada hana qaaday ee ay ku guulaysattay Dawladda Soomaaliya,gaar ahaan arrimaha la xiriira adkaynta amniga, cirib tirka arga-gixisada, horumarinta arrimaha bulshada iyo xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale.

Ambassador Agostino ayaa dhankiisa bogaadin iyo hambalyo la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya Cabdullaahi Warfaa, wuxuuna Jamhuuriyadda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto soo af-jaridda khawaarijta, kobcinta Dawlad wanaaga iyo adkaynta Nabad-gelyada, isagoo caddeeyey in Jamhuuriyadda Talyaanigu ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.