1 min read

Tirada dadka ku dhintay dhismaha gubtay ee Johannesburg oo kororta.y

Tirada dadka ku dhintay dab ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Johannesburg, ee dalka Koonfur Afrika ayaa korortay oo gaartay 63 qof oo dhimasho ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad dusha laga saaray maryo oo daadsan agagaarka dhismaha gubtay.

Dhismuhu waxa uu ku yaalaa goob ganacsi oo hore u ahaan jirtay xudunta dhaqaalaha ee Koonfur Afrika. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada dhismahaan ayaa hadda ahaa meel dad degganyihiin.

Wararka gudaha laga helayo ayaa sidoo kale sheegaya in dadka ku jiray dhismahan ay u badnaayeen muhaajiriin ka yimid dalal kale oo Afrikaan ah.