1 min read

Farmaajo iyo Rooble oo war ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kala gooni ah uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyada oo ku baaqan in laga qeybgalo hawlgallada militari ee socda.

 

“Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.” ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri bayaan uu ku soo daabacay bartiifa Facebook, isaga oo intaas raaciyay

“Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.”

Maxamed Xuseen Rooble, isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu codaday in la taageero dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab, isaga oo dhinaca kale ka digay ‘in la siyaasadeeyo’ dagaalkan.

“Waxaan markale adkaynayaa in xilligaan adag aan muujino midnimo si aan Cadawga uga adkaano. Was in aan ka fogaanno in aan siyaasadayno dhiigga Geesiyaasha Qaranka kana dhawrsano ficil iyo qawl kasta oo niyad jab iyo kala qaybsanaan abuuri kara.” ayuu Rooble ku yiri bayaan kooban oo uu saaray.

“Waxaan si buuxda u garab taaganahay Dedaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaankiisa sida ay uga go’an tahay in uu Dalka ka sifeeyo Cadawga na aafeeyay ee Khawaarijta ah.” ayuu raaciyay.