1 min read

Maamulka G/Banaadir ayaa u kuurgalay xaaladda dhismayaal dumay oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Muqdisho :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u kuurgalaya xaaladda dhibaatadii xalay ka dhacday Degmada Howl-wadaag ee la xariirta dhisma ka koobanaa dhowr Dabaq oo ku soo dumay iyadoo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay haweenaye iyo caruuray dhashay oo ku sugnaa hooygooda oo ka agdhawaa dhismaha dumay.

Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah ee maamulka degmada Howl Wadaag,iyo saraakiisha Amniga,waxa uuna faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.