1 min read

Militariga qabsaday dalka Gabon oo ku dhowaaqay hoggaamiye.

Dalka Gabon ayaa ku jira xaalad isbeddel ah kadib af-gambigii shalay ka dhacay dalkaasi.

Askarta xukunka sheegtay inay la wareegeen ayaa ku dhowaaqay in Jeneraalka lagu magacaabo Brice Clotaire Oligui Nguema oo ahaa madaxa Ilaalada Jamhuuriga tan iyo sannadkii 2019-ka inuu yahay hoggaamiyaha ku meelgaarka ah.

Ciidamada ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen ina dalkaasi bog cusub furaan, sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee Reuters.