1 min read

Madaxweyne Guudlaawe oo deeq xoola ah ku wareejiyay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Daaru-nimca.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeellada dhexe.

Masuuliyiinta ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaan iyagoo ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen cadowga khawaarijta ah ee u taagan gumaadka iyo baabi,inta Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ciidanka u sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ay farumaha u joogaan hogaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta Ciidanka.

Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Sanater Afcadey, Agaasimaha Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiil kale.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay Daaru-nimca.