1 min read

Maxay tahay kooxda Al-shabaab ee dhawaan uu goolasha ka dhaliyay Ronaldo?

Kooxda Kubadda Cagta al-Shabab ama Naadiga Kubadda Cagta Dhallinyarada, waa koox kubbadda cagta ah oo ka dhisan dalka Sucuudi Carabiya, fadhigeeduna yahay magaalada Riyaadh. Waxaa la aas aasay sanadkii 1947-dii, waxaana markii hore loo bixiyay Shabaab Al Riyaadh, taasoo macnaheedu yahay Naadiga Dhalinyarada ciyaaraha ee Riyaadh, balse sanadkii1967-dii ayaa loo bixiyay magaca Al Shabaab.

Haddaba kooxdaan ayaa dhawaan waxaa ay kulan ciyaareed la yeelatay kooxda kale ee ka dhisan isla Sacuudiga ee Al-Nassr.

Qaar ka mid ah ciyaaryahanndii hore ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo kala ah Cristiano Ronaldo, Sadio Mane iyo Riyad Mahrez, ayaa ku jira liiska gool dhalinta.

Laacibkii hore ee Manchester United Ronaldo ayaa laba rigoore u dhaliyay kooxda Al-Nassr taas oo horseedday in 4-0 looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Waxaa jiray gool kale oo uu dhaliyay oo u dhaxeeyay rigoorayaashan balse laga diiday. Ronaldo ayaa helay rigoore saddexaad balse waxaa uu u sallaxay Cabdiraxmaan Ghareeb, laakin fursadaas kama faaiideysan.

Ronaldo wuxuu ka caawiyay Mane goolkii seddexaad, wuxuuna kubad madax ah ku dhuftay birta, waxaana dhaliyay Sultan Al-Ghannam.